1495545508
Adeeg Wanaag

Advertise on podcast: Adeeg Wanaag

Rating
★★★★★
5
from
1 reviews
This podcast has
58 episodes
Language
English
Explicit
No
Date created
2020/01/18
Latest episode
2026/01/22
Average duration
48 min.
Release period
29 days

Description

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Unlock Adeeg Wanaag podcast Email contact info,
Listeners & Audience details

Email contact information

Direct podcast contact details

Listeners

Audience numbers & engagement insights

Audience details

Podcast Insights

Social media

Check Adeeg Wanaag social media presence


Podcast episodes

Check latest episodes from Adeeg Wanaag podcast


Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)
2026/01/22
Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan.  Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chonka oo bare sare ka ah Jaamacadda King's College ee London, iyo Maxamed Cabdimaalik oo ah madaxa hay’adda Jaantus oo ka shaqeysa horumarinta warbaahinta, waxa ay ku falanqeynayaan dadaallada la xririira Af Soomaaliyeynta erayada loo adeegsado Garaad Gacmeedka. Dr Peter & Maxamed waxa ay shaqeynayeen mashruuc Af Soomaali loogu turjumayo erayda la xirrira AI.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?
2025/12/08
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka.  Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horutabinta leh ee guddigu ka shaqeyn doono.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso
2025/11/17
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda.  Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falanqeynayaan waxyaabaha sababay dadweynuhu in ay isku ciriiriyaan qaadashada kaarka aqoonsiga, culeysyada soo kordhay, sida Haya’ddu ay u maareysay illaa iyo hadda iyo waxa uga qorsheysan in la fuddudeeyo qaadashada kaarka.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo
2025/09/16
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo.       Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday.    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga
2025/09/08
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.    Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, waxa ay ku falanqeynayaan howlaha la xiriira xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah iyo horumarinta reer miyiga.   Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo
2025/08/25
Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose.   Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan
2025/07/28
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed.   Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee warbaahinta madaxa-bannaan u qabato dadweynaha, caqabadaha ku gedaaman iyo mustaqbalka warbaahinta ee sanadaha soo socda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca
2025/06/11
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.   Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, islamarkaana ay ugu adkeystaan duruufaha kala duwan ee barakacu sababay.  Qeybtan 34-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare ka tirsan SPA sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaaristan ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo
2025/05/20
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.  Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dhallinyarada ku leedahay iyosida lagula tacaali karo karo.   Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer)
2025/03/11
Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya.  Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger.    #SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman
2025/02/18
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin?  Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?
2025/02/06
Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan.   Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaal Benaadir, kaas oo kaalin weyn ka ciyaara daryeelka hooyada iyo dhallaanka.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda
2025/01/28
Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah.   Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegis iyo hagaajin loogu sameyn karo adeegga garsoorka dalka iyo hay’adaha cadaaladda.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda
2024/12/24
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah.  Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD, sidoo kalena ah khabiir ku takhasusay arrimaha teknoolojiyadda, waxa ay ku falanqeynayaan E-government, heerka isticmaalka E-government ee dowladda, caqabadaha ku gedaaman adeegsiga E-government-ga ee Soomaaliya iyo sida caqabadahaas looga gudbi karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda
2024/12/17
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).   Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegyada ay qabato Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, sida adeegysadaas loo horumarin karo, iyo howlaha u qorsheysan Haya’da in ay mustqablka hirgeliso.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!

Podcast reviews

Read Adeeg Wanaag podcast reviews


5 out of 5
1 reviews
★★★★★
Abdinassir Sagar 2020/04/12
Excellent briefing
Enjoyed the written briefings of Somali public agenda! And now great podcast.
check all reviews on apple podcasts

Podcast sponsorship advertising

Start advertising on Adeeg Wanaag relevant audience podcasts


What do you want to promote?