
Advertise on podcast: Adeeg Wanaag
Rating
5from
This podcast has
65 episodes
Language
EnglishPublisher
Somali Public AgendaExplicit
No
Date created
2020/01/18
Latest episode
2026/10/08
Average duration
47 min.
Release period
35 days
Description
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Unlock Adeeg Wanaag podcast Email contact info,
Listeners & Audience details
Email contact information
Direct podcast contact details

Listeners
Audience numbers & engagement insights

Audience details
Podcast Insights

Social media
Check Adeeg Wanaag social media presence
Podcast episodes
Check latest episodes from Adeeg Wanaag podcast
Saameynta El Niño ku yeelan karto Soomaaliya iyo sida looga gaashaaman karo
2026/10/08
Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee sannadkan 2026-ka, waxaa la filayaa roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad xad-dhaaf ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Qeybtan 48-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Cabdullaahi Muuse Axmed, oo ah Agaasimaha Qeybta Gargaarka Degdegga ah ee Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxay ku gorfeynayaan saameynta ay daadadku geysan karaan, sida looga gaashaaman karo, iyo dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar Shaan SoDMA.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Saameynta Caafimaad ee Ka Dhalata Isticmaalka Dawooyinka Midabka Doorriya
2026/07/28
Daraasado laga sameeyey Soomaaliya iyo waayo-aragnimo nololeed ayaa lagu ogaaday in dumarka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan kala kulmaan isticmaalka kareemada la isku caddeeyo. Waxyeellooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinkan kuma koobna oo keliya dhibaatada ay u geystaan jirka, balse waxay sidoo kale saameyn taban ku yeeshaan caafimaadka maskaxda.
Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud, iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican) oo ka hadasha arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka jirka iyo cunnooyinka, waxa ay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya.
Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican), oo falanqeysa arrimaha caafimaadka, gaar ahaan daryeelka jirka iyo nafaqada, waxay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Jaamacadda SIMAD iyo Kaalinteeda Adeegga Tacliinta Sare ee Dalka
2026/06/08
Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa la furay jaamacado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadaal ku bixiyey sidii ay u dabooli lahaayeen booskii hay’adaha waxbarashada ee dowladda. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay hadda kor u dhaafayaan 130 jaamacadood. Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee la furay burburkii kadib, iyada oo soo saartay ku dhawaad 8,500 oo arday.
Qeybtan 46-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Dr. Aweis Ahmed, iyo Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed oo ah guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan Jaamacadda SIMAD iyo kaalinteeda ku aadan horumarinta adeegga tacliinta sare ee dalka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha?
2026/05/06
Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay.
Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan.
Qeybtan 45-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Nasra Hussein Abdi oo iskuduwe ka ah Ground Truth Solutions, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas iyo talooyinkii la soo jeediyey.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?
2026/04/07
Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda.
Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan.
Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xuseen oo ah Maareeyaha Somali Payment Switch,waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee ay qabato shirkadda Somali Payment Switch iyo sida ay u fududeyso adeegga lacag bixinta degdegga ah.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?
2026/03/13
Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design.
Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?
2026/03/02
Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay.
Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaan kaalinta Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed, oo ah haya’dda ku shaqada leh howlaha xog dhowrista iyo sida ay howlaha iyo adeegyada xog dhowrista ah uga shaqeyso.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)
2026/01/22
Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan.
Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chonka oo bare sare ka ah Jaamacadda King's College ee London, iyo Maxamed Cabdimaalik oo ah madaxa hay’adda Jaantus oo ka shaqeysa horumarinta warbaahinta, waxa ay ku falanqeynayaan dadaallada la xririira Af Soomaaliyeynta erayada loo adeegsado Garaad Gacmeedka. Dr Peter & Maxamed waxa ay shaqeynayeen mashruuc Af Soomaali loogu turjumayo erayda la xirrira AI.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?
2025/12/08
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka.
Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horutabinta leh ee guddigu ka shaqeyn doono.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso
2025/11/17
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda.
Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falanqeynayaan waxyaabaha sababay dadweynuhu in ay isku ciriiriyaan qaadashada kaarka aqoonsiga, culeysyada soo kordhay, sida Haya’ddu ay u maareysay illaa iyo hadda iyo waxa uga qorsheysan in la fuddudeeyo qaadashada kaarka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo
2025/09/16
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo.
Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasadda iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga
2025/09/08
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.
Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, waxa ay ku falanqeynayaan howlaha la xiriira xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah iyo horumarinta reer miyiga.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo
2025/08/25
Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose.
Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan
2025/07/28
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee warbaahinta madaxa-bannaan u qabato dadweynaha, caqabadaha ku gedaaman iyo mustaqbalka warbaahinta ee sanadaha soo socda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca
2025/06/11
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, islamarkaana ay ugu adkeystaan duruufaha kala duwan ee barakacu sababay.
Qeybtan 34-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare ka tirsan SPA sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaaristan ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Podcast reviews
Read Adeeg Wanaag podcast reviews
Abdinassir Sagar 2020/04/12
Excellent briefing
Enjoyed the written briefings of Somali public agenda! And now great podcast.
Podcast sponsorship advertising
Start advertising on Adeeg Wanaag relevant audience podcasts
You may also like to advertise on these Podcasts

4.847092000
Pat Gray Unleashed
Blaze Podcast Network

4.889061599
Order of Man
Ryan Michler

4.7292702000
The Michael Knowles Show
The Daily Wire

4.897061440
The Graham Allen Show
Graham Allen

4.831571359
The Late-Round Fantasy Football Podcast
iHeartPodcasts

4.6652422197
The Charlie Kirk Show
Charlie Kirk

4.824771877
Deck The Hallmark
Bramble Jam Podcast Network

4.819462000
Football Ramble
Stak

4.732691962
The President's Daily Brief
The First TV

4.6221692000
Mark Levin Podcast
Cumulus Podcast Network


